Hargaysa09/10/2026 Waxaa Guud ahaan Dalka Jamhuuriyada Somaliland ka Bilaamay xilli-Roobaadkii Dayrta waxaana la saadaalinayaa roobab waawayn oo keeni kara Biyo badan iyo waxyeellooyin laga taxaddari karo,
Hay,addaha Amaanka iyo Laamaha Dawlada ee shaqada ku leh ayaa Digniin gaar ah u jeedinaya dadka ku nool ama ku sugan agagaarka biyo-mareennada, togagga iyo meelaha hoose.
Dadka ayaa waxaa lagula talinayaa inay ka fogaadaan meelaha Godanka ah ee ay biyuhu maraan sida Dooxyada iyo laagaha , ayna carruurta ka ilaaliyaan Goobahaas.
sidaa si la mid ah wadayaasha Gaadiidka ayaa la farayaa inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, yareeyaan xawaaraha gaadiidka, isla markaana u hoggaansamaan awaamiirta Laamaha Amaanka ee Kala Duwan.
Hargaysa Somaliland
warbaahinta Hargaysanews