DEG-DEG”NETANYAHU IYO MAXAMED BIN ZAYID OO ABU DHABI KULAN XASAASI AH KU YEESHAY, CIRRO OO ISNA IMAARAADKA GAADHAY”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta booqday magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayid Al Nahyan.
Sida uu baahiyey Telefiishanka Channel 12 ee Israa’iil, Netanyahu ayaa Imaaraadka u tegay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Maxamed Bin Zayid, hase yeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma faahfaahin ujeeddada booqashada iyo qodobadii ay labada hoggaamiye ka wada hadleen.
Booqashada Netanyahu ee Abu Dhabi ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo Imaaraadku yahay mid ka mid ah dalalka Carabta ee xidhiidh rasmi ah la leh Israa’iil.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo kasoo laabtay safarkii shaqo ee uu ku tegay dalka Maraykanka, ayaa isna la sheegay inuu gaadhay dalka Imaaraadka Carabta.
Imaanshaha Madaxweyne Cirro ee Imaaraadka iyo booqashada Netanyahu ee Abu Dhabi oo isku beegmay ayaa indhaha lagu hayaa, hase yeeshee illaa hadda lama hayo war rasmi ah oo sheegaya inuu jiro kulan ama xidhiidh toos ah oo u dhexeeya Madaxweyne Cirro iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, ama in booqashooyinka labada dhinac ay yihiin kuwo isku xidhan.
Faahfaahinta rasmiga ah ee safarrada iyo kulamada ka socda Abu Dhabi ayaa la filayaa inay soo baxdo marka ay dhinacyada ay khusayso soo saaraan war-saxaafadeedyo rasmi ah.
Abudabia Hargaysamedia