Kenya 12/10/2026 F
Fanaan ka Aamiin Yare oo Muddo Shan Maalmood ah ku Xidhan Nairobi
Fanaanka Soomaaliyeed ee Aamiin Yare ayaa muddo shan maalmood ah ku xidhan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida uu xaqiijiyey fannaanka Qamar Suugaani.
Qamar Suugaani oo ka hadlayey xadhigga Aamiin Yare ayaa sheegay in fanaanku muddo shan maalmood ah xabsiga ku jiray, isla markaana saaka la filayo in la horgeeyo maxkamadda.
Waxa uu sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay hiil iyo taageero la garab istaagaan Aamiin Yare, si uu xabsiga uga soo baxo.
Qamar Suugaani ayaa intaa ku daray in aanu ilaa hadda garanayn sababta ka dambaysa xadhigga fanaanka.